Kenya oo 10 Askari looga dilay weerar

Dagaalamsyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas-uuliyadda qarax ka dhacay gudaha gobolka ay Soomaalidu dagto ee NFD.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askar ka tirsaneed booliska sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ka soo gaaray qaraxaas sida ilo kala duwan ay noo xaqiijiyeen, hayeehee Al-Shabaab ayaa war kooda ku sheegtay in ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsanaa booliiska Kenya.

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxa uu ku haleelay inta u dhaxeysa deegaanada Kulan iyo Libooye Kenya oo hoos taga degmada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

“Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax haleelay baabuurkooda oo marayey meel u dhow xuduudda Soomaaliya sabtidii”, ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ee ka howlgala gobolka waqooyi bari.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo qaraxaas ka soo gaaray ciidamada Kenya, balse lama cayimin tiradooda rasmiga ah, sida uu qiray sarkaalka Kenyanka ah ee u waramay Reuters.

Kenya ayaa ka mid ah wadamada Afrika ee ciidamada nabadd ilaalinta ah ay ka joogaan Soomaaliya, hayeeshee wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadeedu gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, waxaa si joogto ah gudaha dalkaas weerarro uga geysta dagaalamayaasha Al-Shabaab.