Madaxweyne Deni “Madaxdii Hore ee Dalku ha muujiyaan dul-qaad iyo midnimo” (VIDEO)

Khudbadda Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ugu baaqay Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo inay ilaaliyaan Midnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta Xasiloonida iyo Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ah astaan ay horey u wada lahaayeen Madaxweynayaashii kaga horeeyay Hoggaanka Puntland.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Soomaaliya ay doorasho ka dhacayso waqtigeedii, taasna ay dhexda u xiran doonto Dowladda Puntland, balse looga baahan yahay Siyaasiyiinta inay muujiyaan Deganaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya in wax walba lagu dhameeyo Wada-hadal, lana muujiyo Isku turitaan iyo Tanaasul.