Booliska Gobolka Banaadir oo wax ka badal lagu sameeyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday.


Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde.


Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley.


Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.


Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed.


Taliyaha Daraawiishta Booliska,ayaa laga dhigay Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad.


Taliyaha qaybta Galbeed,ayaa loo magacaabay Maxamuud Xuseen.


Taliyaha Laanta socotada ciidanka Booliska,ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Aadan Xirsi.


Taliyaasha Qeybaha Boolsika Gobolka Banaadir iyo sidoo kale kuwa Saldhigyada,ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameynayay isku shaandheyn iyo xilka qaadis,balse ilaa iyo hada ma keenin isbadal amaan,waxaana marba marka kasii danabysa kasii daraya amaanka Muqdisho oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Fadaraaliga Somaliya.