Video:-Yaa ka danbeeyay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke?

50 sano ka hor oo ku beegnayd October 15 1969, waxaa toogasho uu fuliyey Nin lagu soo dhex qariyay Ilaaladii ugeeriyooday Madxaweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Laascaanood Gobolka Sool oo markaas ka tirsanaa Gobolka Togdheer.

Dilkiisa Kadib dhowr cisho waxaa taladii dalka la wareegay ciidamadii Militariga ee uu hoggaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre,waxaana god ku dhacay Dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee Somaliya.

Haddaba, sidee ayuu u dhacay dilka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xaalka dalkuna sidee ayuu noqdey?,hoos ka daawo muuqaal aad kaga bogan doonto xogta dilka Madxaweynaha.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka