Xiisad ka dhex-taagan Qoysaska Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirkii Amniga Jubbaland

Wararka ka imaanaya Degmada Balad-xaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Beesha uu ka dhashay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ay magaaladaas ka af-duubteen seddex nin oo kasoo jeeda beesha Reer Diini oo uu kasoo jeedo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Afduubkan uu la xariiro xariga Dowladda Federaalku u geysatay Wasiir Janan, kaas oo Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ku tilmaamay Afduub aan ku qotomin Hanaan Dowladnimo iyo Cadaalad.

Beesha uu kasoo jeedo Wasiirkii Amniga Jubbaland Mr. Janan (Reer Axmed), ayaa la sheegay inay dalbatay in loo soo daayo Wasiir Janan, si ay u sii deyso nimankan ay jifida hoose ay wadaagaan Madaxweyne Farmaajo.

Dadaalo lagu ay wadeen Odayaasha dhaqanka Beelweynta Mareexaan ayaa fashilmay, waxaana la sheegay in Beesha Reer Axmed ay ku adkeysanayaan in sii deynta ragan oo Ehel hoose ay yihiin Madaxweyne Farmaajo ay ku xiran tahay soo deynta Wasiir Janan.

Dhowaan ayay aheyd markii odayaasha Beesha Reer Axmed ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo ayna ka dalbadeen soo deynta Wasiir Janan, balse uu hor-dhigay Shuruudo ay ku tilmaameen inay tahay mid uu doonayo inuu isaga hor-keeno Beelaha Jubbaland.

Odayaasha Beesha Reer Axmed-Mareexaan ayaa wacad xiligaas ku maray inay qaadi doonaan tilaabo kasta oo lagu soo deynayo Wasiir Janan, maadama ay u arkaan inaan Dowladnimo iyo Garsoor loo marin xariga Wasiir Janan, oo uu yahay Af-duub.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaardaha Muqdisho 31-August-2019, xilli uu kusii jeeday Magaalada Addis Ababa, waxaana qabashadiisa Dowladdu sheegtay inay ka dambeysay eedeymo la xariira dilal loo geystay xubno katirsan Al-Shabaab oo ku jiray xabsi ku yaalla Degmada Doollo ee Gobalka Gedo.