Madaxweyne Deni “Puntland iyo Jubbaland waa Labo indhood oo loo baahan yahay inay isku seexdaan”+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kulan kula qaatay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso Isimada, Nabaddoonasa iyo Waxgaradka gobolka Bari, ayaa haldoorka gobolka Bari uga warbixiyey kulamo muhiim ah oo uu la qaatay shacabka Jubbaland waxa uu tilmamaay in Puntland diyaar u tahay garab istaagga shacabka Jubbaland iyo dhismaha dowladnimadooda.

“Runtii degaanada Jubbaland iyo Puntland waa mataano, Soomaalidu waxay tiraahdaa Indhuhu waa isku seexdaane Makala seexdaan, Puntland iyo Jubbaland waa laba indhood oo inay isku seexdaan loo baahan yahay, waan garanayaa dadkaas dereenkoodu sida uu ahaa siday u danaynaayaan Puntland garab istaageeda, dadka halkan ku dhaqan dadkooda kale ayaa joogey , waxaan fursad u helay dadkaasi sida ay u dhaqan yihiin inaan u la kulano, saad la socotaan dowladda dhexe arrintaasi saluugmo ayay ka muujineysey, aad baan runtii isugu deyey in arrintaas laga gudbo oo xaaladda doorasho ee meesha ka dhacday sida aqlabiyadda dadku ay danta bideen oo door bideen in Axmed Maxamed Islaam oo aniga laftaydu qirayo inuu ku haboon yahay ay doorteen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in Madaxdii Kismaayo ka qayb gashay caleema saarka Madaxweynaha cusub oo ay kamid ahaayeen Madaxweynayaal hore ay saluug iyo dhiilo ka muujiyeen cabudhinta jirta, waxa uu xusay Madaxweynuhu in uu talo badan iyo tusaale kasiiyey arrintaasi, dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland inay ilaashadaan xasiloonidooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda.