Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Shacabka BFS ee maanta ?+Sawirro

Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii labaab ee Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo uu shirgudominaayay ku simaha Guddomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibrahim Muudey ayaa ugu horeyn cod loogu qaaday xubin Magacaaban oo ka mid noqonaya Guddiga Madax Banaan ee Doorashoyinka Qaranka.

kulanka maanta oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa meelmarita ujeedooyinka kulanka kadib u codeeyay in Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed uu kamid noqdo Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka.

Dhamaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ayaa cod rabitaan ah ku meel mariyay xubintii ka bananeed Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Intaa kadib Xildhibanada ayaa u gudbay akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka Dakhliga, sidokalana waxaa horyaala Dib ugu Noqoshada akhrinta Miisanaiyadda 2019-ka, iyadoo loo qeybiyay Axdiga ilaalinta Hanti-dhaqameedka Xilliyada Coladaha