Ra’iiswasaaraha Israel oo ku guul-dareystay dhismaha Dowlad wadaag ah

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guul dareestay in uu soo dhiso wadaag ah kadib markii xisbigiisa uu waayay doorashadii ugu danbeesay in uu helo aglabiyada baarlamaanka.

Mr Netanyahu oo Israel xukumayay tobonaankii sano ee lasoo dhaafay in ayaana awood u yeelan waayay in uu dhiso dowlada wadaag ah kadib markii ay guul dareesteen wadahadal uu kula jiray xisbiga ugu kuraasta badan ee Blue and White.

Hogaaiyaha xisbigaasi ahna taliyihii hore ee militariga Benny Gantz ayaana dhawr jeer ku gacan seeray codsi kaga yimid Ra’iisul Wasaare Netanyahu.

Madaxwaynhaa Israel ayaana sheegay in mudo 28 maalin ah u qabtay Mr Gantz 28 si uu u aqbalo wada xaajoodka.

Guul darada Ra’iisul Wasaaraha ugu waqtiga dheer Israel ee Benjamin Netanyahu ayaana loo aaneenayaa fadaaxado msuq maasuq oo waayihii dambe hareeyay.