Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay furitaanka Shirka Iskaashiga Ruushka & Afrika

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala qeyb galay madaxda kale ee Qaaradda Afrika kulanka furitaanka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo socon doonta 23-24 bishan.

Shir oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Ruushka ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan wadamada Qaarada Afrika, ayaa waxaa siwadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fataax Al-Siisi ahna Gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Shirka faah faahin ka bixinayey ayaa sheegay in looga hadlay soo bandhigida iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Masar ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey  Shirka, iyada oo la soo bandhigay heerka uu la egyahay xiriirka ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo wadanka ruushka iyo caqabadaha ku hor gudban.