Maxkamadda Sare ee Puntland oo ku dhawaaqday fulinta dilka ragii kufsaday Caa’isha+VIDEO

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaana ay diiday dib u dalabkii dib u eegista ahaa ay codsadeen qaraanada xugmanayaasha kiiska Caa,ilyaas Aadan.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Xareed oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in xukunkii Maxkamadda sare aan dib loogu laaban doonin, uuna sugayo fulin.