Midowga Yurub oo bad-baadiyay Ciidan kamid ah Milateriga Soomaaliya oo Doon la degtay+Sawirro

Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo doon ay wateen ay kula degtay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta oo ay Shaqadoodu tahay la-dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda waxaa ay sheegeen in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,isla markaana ay ugu gurmadeen codsi uga yimid doonta ku ciladoowday biyaha dhexdooda.

Sawiro ay baahiyeen Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa muujinaya Ciidamada la soo badbaadiyey iyo Shaqaalaha saarnaa doonta,kuwaas oo ka walaacsanaa noloshooda ka hor inta aan la soo badbaadin.

Si kastaba Ciidamadan ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo Midowga Yurub ay kasoo badbaadiyeen Doon la degtay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda ay doon kula degtay agagaarka Xeebta Marka,isla markaana Al-Shabaab ay sheeegeen inay doontaasi weerareen kuna dileen Afar kamid ah Ciidamadii saarnaa.