CC Warsame “Jidadka Muqdisho waxay marayaan heer dhagax inay dhaaftay oo Ganjeelo lagu xiro”+VIDEO

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa ka hadlay xirnaanshaha Waddooyinka Caasimadda, Maqnaanshaha Maqaamka Muqdisho iyo awooda ay dowladda u adeegsaneyso cid kasta oo rabitaankeeda kahor timaada.

Madaxda dowladda ayuu ku dhaliilay ineysan dhab ka eheyn sugida amniga magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda ay maciin biday in amniga Caasimadda ay xalkeeda u aragto in wadooyinka u muhiimka ahaa Albaabo lagu xirto, si ay uga gaashaamato weerarada Shabaab.

“Magaalada waxey mareysaa heer dhagax inay dhaaftay oo ganjeel lagu xiro, war jidka ganjeelka lagu xiraayo askar waardiyeeso hala dhigo,dadka Canshuuraa laga qaadaa askartana mushaaraa la siiyaa, askarta hala dhigo ha waardiyeeyaan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo u waramay Warbaahinta Mustaqbal.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan Cshakuur ayaa isdul taagay dhibaatada amni xumo ee u gaarka ah shacabka Muqdisho, isagoo soo jeediyay iney tahay in dhibta ku kooban Caasimada in lala wadaago, si lamid ah sida loola wadaago dhaqaalaha ay iyada soo saarato.