Kenya oo gacanta Ku dhigtay hub iyo raggii watay

Ciidamada amniga ee magaalada Gaarisa ayaa soo xiray laba qof, islarmarkaana gacantana ku soo dhigay hub, kaddib howlgal ay ka fuliyeen deeganka Liboi halkaasi oo sabtidii lasoo dhaafay 11 askari oo Ciidamada militeriga sida gaarka ah u tababaran ee kenya ay ku dhinteen kadib markii miino lala eegtay gaarigii ay wateen.

Dhawaaan laamaha amaanka kenya ayaa baadi goob xoogan ugu jira xubno ka tiraan al-shabaab oo kenya ka gaysta weerarada ugu badan.

Xog dhawaan ay baahiyeen sirdoonka dalka kenya ayaa lagu sheegay in nin soomaali ah uu hoggaamiyo kooxaha miinooyinka ku aasa deegaanada dhaca xuduuda ay wadaagaan kenya iyo soomaaliya.