Khudbad: Senator Faroole oo digniin kulul u diray Siyaasiyiinta Gobalka Nugaal

Madaxweynihii Hore Dowladda Puntland Senator C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay furitaanka Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Senator C/rixmaan Faroole ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta Kooxda Aaran-jaan ee uu Hoggaamin jiray, isagoona ku dhaleeceeyay inay iska hor-keenayaan Madaxweynaha iyo Shacabka Puntland.

“Kuwa meelahaas ka leh Wasiirada Anaa keensaday ,xildhibaanada anaa keensaday dad badan baa ka cabanaya dadkii maalintii dhawayd magalada gubay kuwaas iyo wax la mid ah ayey ka caraysnaayeen hadaan dowladnimada laga qabana Geedkaygii Timirka ahaa baan u fariisanayaa magaladana waan ka saarayaa” ayuu yiri Senator C/rixmaan Faroole