Diyaaradihii gargaarka u siday Beledweyne oo maanta Baaqday

Diyaaradii ugu horeysay oo sida gargaar balaaran oo lagu waday inay maanta ka degto Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa baaqatay, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisow.

Sababta ay diyaarada u baaqatay ayaa lagu sheegay in tahay, kadib markii la waayay meel ay ku degto diyaaradu, iyadoona la sheegayo in guddiga ay wadaan qorshaha ugu fudud ee gurmadka loo gaarsiin karo dadka ku dhibaateysan duleedka Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Webiga Shabelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyay guud ahaan xaafadaha Magaalada Beledweyne, iyadoona arintaasi  ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray u gurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen, waxaana ay Guddigu sheegeen inay wadaan howlo cunto qeybin ah kaga bilaabayaan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.