Wasiir Dhado oo dib ugu soo laabtay Boosaaso+VIDEO

Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa lagu soodhaweeyay Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) oo dhawaan madaxweynaha dowladda Puntland uu u magacaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda Dekaddaha Puntland.

Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Dekaddaha Puntland ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid daaran arrimo Caafimaad, isagoona ugu mahad-celiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo dhamaan cid walba oo garab istaagtay intii uu xanuunsanaa.