Guddoomiye ku-xigeenka BDPL: Xildhibaanku waa inuu ilaaliyo Sharciga+VIDEO

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa sheegay in xildhibaanku uu xaq u lee yahay inuu su’aal weydiiyo Madaxweynaha, balse loo baahan yahay inuu ilaaliyo Sharciga iyo Anshaxa.

“Xildhibaanku xaq buu u leeyahay inuu madaxweynaha su’aal waydiiyo, laakiin waxaa muhiim ah inuu anshaxa ilaaliyo qofna sharciga kama wayna” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.