Madaxweyne Deni oo si kulul u dhaliilay Madaxda DFS+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Qardha ayaa ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku jirto geedi socod siyaasadeed, isagoona ku dhaliilay  in dowladda weli aysan caga dhigan, isla markaana loo baahan yahaya in Puntland ay qeyb ka noqoto geedi socodka lagu jiro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ka go’antahay in Madaxda Dowladda xiligaan ay kula xisaabtanto saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, waxaana Bulshada Puntland uu ka dalbatay inay ku taageeraan Go’aanka Xukuumadda.