Garoowe: Gaadiid u sida Gargaar Shacabka Beledweyne oo Goor-dhow amba-baxay

Gaadiid sida Gurmad ay dadka kunool Caasimadda Puntland ugu tala-galeen Shacabka Magaalada Beledweyne ee Fatahaaduhu saameeyeen ayaa Goor-dhoweyd ka amba-baxay Magaalada Garoowe.

Gaadiidkan oo ahaa Labo Gaariyaasha Xamuudka qaada ah (Candhabeydle), ayaa siday Caawinaad isugu jirta Raashin, Dhar, Kabo iyo Agabyo kale, waxaana dadka kasoo aruuriyay dhalinyaro Is-xilqaantay.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”, ayaa gaadiidkan sagootiyay, isagoona alle ugu baryay Dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan inuu ka dul-qaado xaaladaha adag.