Madax sare Oo ka socota Baanka Aduunka Oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa kulan la qaatay wafti uu horkacayay Madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Aduunka Hafez Ghanem.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay  Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Xassan Cali Khayre, Wasiirka  Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa uga soo qeyb galay kulanka madaxweyne kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta  Dhaqaalaha Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga  Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka  ee Soomaaliya Puteri Watson.

Xog rasmi ah lagama hayo waxa rasmiga ah ee uu daarnaa kulankaas iyo natiijada kasoo baxday.