Madaxweyne Farmaajo: Dowladdu waxay la imaaneysa qorshe wax looga qabanayo Fatahaadaha+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa sheegay inay soo laab laabteen fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyada oo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah inay la imaaneyso qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dibaatooyin farabadan ay ka dhashaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwa is cafiya sidoo kalena is caawiya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay gelinkii dambe booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen kadib fatahaada Wabiga.