Roobab mahiigan ah Oo ka da’ay Puntland

Waxaa si weyn cabsi looga qabay maalmihii lasoo dhaafay in ay xeebaha Puntland soo gaarto duufaan ku wajahneyd deegaanada xeebaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Hadaba waxaa ka bilowday Puntland roobab mahiigan ah oo da’ayey ilaa habeenimadii xalay inkastoo aan ilaa iyo hada lasoo sheegin khasaare ay geysteen.

Dowlada Puntland,ayaa maalmo ka hor digniin uga soo saartay Duufaantaas.