Dowladda Federaalka oo amar Cusub kasoo saartay Doorashada Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kasoo baxay wada ay ku joojisey dhaq dhaqaaqyada la xiriira dhinaca doorashada  oo ay wadeen Xubnaha Guddiga doorashada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Amarkan oo la ogeysiiyey hoggaanka Ahlusunna iyo Saraakiisha Xarunta Inji ayaa lagu sheegay in arrimo la xiriira dhinaca doorashada aysan qaban karin guddi ka madax banana guddiga ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir ayaa looga digay kulamo ku saabsan Arrimaha doorashada,isla markana lagu wargeliyey inay Wakiil ka yihiin Guddiga Dowladu u Magacaawdey Doorashada Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horay u Magacaabey guddiga doorashada Galmudug,kuwaas oo si caadi ah Shaqooyinkooda uga watay Dhuusamareeb,waxaana la ogeyn waxa Shaqadooda uu ka bedeli doono amarkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.