Nepal: 17 Ruux oo ku dhimatay gaari ku burburay Wabi

Gaari ay saarnaayeen dad badan ayaa lasheegay in uu ku burburay wabiga dalka Nepal, iyadoona ay ku dhinteen 17 ruux.

Shilka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in kabadan 50 ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta Booliska.

Gaariga ay dadkani saarnaayeen ayaa lasheegay in uu kasoo laabtay goob ay ka soconaysay xaflad dhaqamadeed.

21 kamid ah dadka dhaawacmay ayaa lasheegay in ay wali isbitaalka ku jiraan iyadoona haatan lala tacaalayo xaaladooda.