Thailand: 15 Ruux oo lagu dilay Weerar

Booliska dalka Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux  ku dhinteen weerar ay koox hubaysan ka geeysteen koonfurta dalkaasi.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in weerarka uu sigaar ah kaga dhacay fariisin ay ciidamada amaanku ku leeyihiin gobolka Yala ee koonfurta dalka Thailand.

Wargayska Bangkok Post ayaa sidoo kale wariyay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux kuwaas oo afar kamid ah ay ku geeriyoodeen isbitaalka gobolka Yala.

Kooxda islaamiyiinta ee gooni goosadka ayaa tan iyo markii ay bilaabeen ololahooda sanadkii 2004’tii waxaa dhintay dad gaaraya 7,000 oo ruux.