Sheekh Shariif: Ciidamo cusub oo loo qorayo NISA ayaa lagu Tababaraa Ethopia & Eritrea+VIDEO

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay dhismaha iyo dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada qalabka sida, isagoona sheegay in hay’adda Nabadsugida ay xiligan bilowday inay qorato ciidamo cusub, waxaa uuna arintaasi Ku tilmaamay in khatar amni ay ka dhalato

Shiikh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu cabsi badan ka qabo qaabka loo qorayo Ciidankan cusub ee nabad suggida ah oo qaarkood dalka dibadiisa tababar loogu qaaday, isagoona xusay in ciidamadaasi lagu soo tababaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia

Madaxweynihii hore ee soomaaliya ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay ciidamo uu sheegay in loo tababaray in dad gaar ah lagu dhibaateeyo, waa sida uu hadalka u dhigay.