Video:-Waftigii Madaxweynayaashii hore OO Beledweyne gaaray

Wafti ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa ka degay magaalada Beledweyne. Waftigan ayaa halkaasi u tagay si ay uga qaybqaataan gurmadka dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Waftiga Madaxweynayaashii hore,ayaa kula kulmay Beledweyne Ugaaska beesha Xawaadle iyo waxgaradka Gobolka.

Dhowaan,ayaa Madashada Xisbiyada Qaran waxay ku dhowaaqday in ay lacag dhan 200-kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen Beledweyne iyo Bardaale. Shariif Shiikh Axmed,ayaa hoggaamiya Madashada Xisbiyada Qaran.

20-kun oo qoys oo ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne,ayaa la gaarsiiyey kaalmo ay soo ururiyeen shirkadaha ganacsi iyo dadka Soomaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku sugan,iyadoo kaalmada ugu xooga badan ay ka timid shacabka reer Puntland oo iskood isku xilqaamay,hoos ka daawo muuqaalka.

Hakan hoose ka daawo muuqaalka