Boosaaso: Ciidanka Amniga Puntland oo Qarax miino kasoo saaray Wadada Imaam-nawawi

Ciidamada Ammaanka Dowladda Puntland ayaa Wadada Imaam-nawawi ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland kasoo saareen Qarax Miino oo lagu aasay.

Qaraxan Miino oo ahaa mid weyn, ayaa loogu tala-galay in lagu waxyeeleeyo Shacabka isticmaala Wadada Imaam-nawawi oo ah mid aad u mashquul badan.

Sidoo kale, Ciidamada ammaanka Puntland ayaa wada hawlgal balaaran oo lagu baadi-goobayo cidii aastay Qaraxan, ayaa hadda ka socda Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo dhan ah.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxaas ilaa iyo hada, waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidanku ay bartilmaameedsanayaan Goobo gaar ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.