Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wafdi ka socday hay’adda IOM+VIDEO

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM oo gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo xarooda kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida kashaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya.

“Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka ayuu yiri Madaxweynahu.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Sanadahii lasoo dhaafay kasoo xaroonayay Kooxda Al-Shabaab isla markana ka tanaasulayay Figradaha xagjirka ah kuwaas oo dhaqan celin loogu sameeyay Magaalada Kismaayo kadibna shaqo abuur loo sameeyay si ay Nolosha caadiga ah dib ula qabsadaan.