Xildhibaan Cali Dhahar oo ku dhawaaqay inuu Musharax+VIDEO

Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo muddo soo ahaa xoghayaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta shaaciyay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland oo la filayo in la doorto Khamiista soo socota.

Xildhibaan Cali Dhahar ayaa ballan qaaday inuu hoggaamin doono Baarlaman ka madaxbanaan Xukuumadda, haddii loo doorto Xilkan.