Halkee marayaa Diyaar-garowga Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ?+VIDEO

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gaboobday diiwaan-gelinta Musharixiinta u taagan qabashada Af-hayeenka Baarlamaanka.

Guddoomiye Axmed Jaamac, ayaa sheegay inay isku-diiwaangeliyeen tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo la filayo inay berry dhacdo Saddex Musharax, kuwaas oo kala ah;

1- Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yusuf Jibriil.
2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).
3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo dhici doonta berrito oo Khamiis ah kuna beegan 14-Nov-2019.