Hillary Clinton oo cadaadis lagu saarayo inay mar kale la-tartanto Madaxweyne Trump.

Hillary Clinton ayaa sheegtay in uu saran yahay cadaadis ah in mar kale ay latartanto madaxwaynaha haya talada Mareykanka ee Donald Trump, kaas oo uga guulaystay doorashadii dhacday sadaxsano kahor.

Musharaxii hore ee Dimoqoraadiyiinta ayaa iska diiday in ay markale tartanto doorashada soo aadan iyadooa BBC’da u sheegtay in aysan mar danbe tartami doonin.

Mrs Clinton, oo 72, sano jir ah ayaa sheegtay in waqti walba ay ku fakarto waxa ay qaban lahayd hadii ay noqon lahayd madaxwaynaha Mareykanka, doorashadii dhacday sanadkii 2016’kiina ku garaaci lahayd Trump.

Inkastoo ay Clinton ku adkeesanayso in aysan tartameen haddana Dimoqoraadiyiinta doorashada soo aadan waxaa u taagan illaa 17 musharax oo doonaya in xisbiga ay ku matalaan doorashada 2020’ka.