Dooraahada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo maanta dhaceysa

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka ka dhacaysa xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay ku tartamayaan  Saddex Musharrax oo kala ah;

Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed,

Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Dhahar)

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Saddexda Musharrax ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loollan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay Guddoomiyihii xilka laga xayuubshay Mr. Cabdixakiin Dhooba-daareed.

Dadka odorasa Xaalada Siyaasadeed ee Puntland ayaa qaba in Musharixiinta haatan loolamaya uu ugu cad-cad yahay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, marka loo eego abaabulka ol’olihiisa iyo miisaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay Gobolka Sanaag.