Mareykanka Iyo K/Kuuriya oo dib u dhigay Dhoolatus Ciidan

Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa dib u dhigay dhoolatus ciidan oo ay dhaleeceeyeen Kuuriyada Waqooyi,kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo la doonayo in lagu xoojiyo dadaalka nabadeed ee socda.

Dhawaaqaan ayaa yimid manta oo Axad ah , ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay dhowaan ku hanjabtay inay aargoosaneyso haddii dhoolatuska ciidan ee la qorsheeyay dabayaaqada bishan ay ku dhaqaaqaan Mareykanka iyo K/Kuuriya.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper oo ka qeybgalay shir magaalada Bangkok  ee dalka Thailand’s  uga socday Wasiirada Gaashaandhigga dalalka Aasiya,ayaa sheegay in tallaabada dib u dhigista uusan u arki wax tanaasul ah,bale uu u arko dadaal lagu xoojinaayo nabadda.

Seoul iyo Washington ayaa dib u dhaleeceeyay howsha dhawaanta, waxayna beddeleen magaca, laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag u diidan, iyagoo ugu yeeray caddeyn muujineysa inaysan dan ka jirin hagaajinta xiriirka.

Xukuumadda Pyongyang waxay si joogto ah uga soo horjeeddaa dhoolatuska militariga Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ,iyadoo u aragta colaad yo uulaan ka dhan ah.

Kuuriyada Woqooyi ayaa dooneysaa in la qaado cunaqabateynta saran, laakiin Mareykanka ayaa ku adkeystay marka hore  in Mr.Kim uu joojiyo barnaamijkiisa hubka nukliyeerka.