Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis dhanka Difaaca ah+Sawirro

Heshiiskaan oo ku saabsan dhinaca difaaca iyo Milateriga ayaa Wakiilo ka kala socday Dowladaha Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta waxaa ay ku kala saxiixdeen shirka Bandhiga 16aad ee Diyaaradaha kaas oo ka socda Magaalada Dubai ee dalkaasi Imaaraadka Carabta.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas lemma megersa,halka Imaaraadka Carabta uu u saxiixay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Mohamed Bin Ahmed Al-Bowardi.

Heshiiska oo ah mid isfaham ayaa dhigaya in la iska kaashado dhinacyada difaaca iyo Millateriga,waxaana Wasiirka Difaaca Itoobiya lemma megersa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid xoojinaya danaha labada dal.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay dadaalo xoogan ugu jirto sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd wadamada gobolka iyo Caalamka intiisa kale.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa horay markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu u siiyey lacag dhan 3 Bilyan oo Dollar, iyada oo xilligaas dhaqaalo darri badan ay ka jirtay dalkaas.