Kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo furmay

Waxaa goordhaw furmay kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir gudoominaayo gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka waxaa soo xaadiray 171 mudane oo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,wana kulanki ugu horeeyey oo ay siwadajir ah u yeeshaan Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020.