Safiirkii Somaliya ay Umagacawday Sacuudiga Oo aqoonsigii loo diiday

Ka soo jawaabid la’aanta Aqoonsiga Safiirnimo,ayaa u eg mid diidmo ah haddii ay dhaafto mudadii loogu tala galay in looga soo jawaabo oo ku siman 90-cisho gudahood.

C/xakiin Xasan Ashkir Safiirka Somaliya ee Sacuudiga,ayaa lagu magacaabay digreeto Madaxweyne oo soo baxday bishii May ee sanadkan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku guuldareysatay isku dayo ay dooneysay in lagu aqbalo Safiirka cusub, waxaana arrintaas darteed Sacuudiga safaro ugu tagay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiiru Dowlaha.tiro dhawr jeer ah.

Xiriirka Sacuudiga iyo Dowladda Somaliya,ayaa hoos u dhac ku yimid, wixii ka danbeeyay markii uu qarxay khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga xiriirka u jareen dalka Qatar.

Dowlada Dhexe ee Somaliya,ayaa sheegtay in ay mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka Khaliijka,balse waxaa muuqatay in ay ujanjeerto dhanka Qatar.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa intooda badan waxay ku khilaafeen go’aanka Xukuumada dhexe.ay ka qaadatay khilaafkaas.