Mahad Salaad Oo shaki galiyay in Alshabaab lala ogaa weerarkii Hotel SYL

“Hotel SYL wuxuu ku yaalaa irida Madaxtooyada, Dhowr boqol oo tilaabo ayuuna u jiraa hoyga Madaxweyne Farmaajo Aniga Xildhibaanka ah dhowr bariis oo ciidamada amnigu joogaan ayaa la’igu hubiyaa kahor inta aanan gaarin goobtaas marka yaa geeyay nimankaan hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

Waa dhif iyo nadir in Madaxweynuhu ummadda hor yimaado uu uga tacsiyeeyo dhibaatada soo gaartay ee naf iyo maalba leh halka HABAR ama ODAY GAAL ah hadii cirifka ugu danbeeya dunida ay ku dhintaan isla saacadahaas loo tacsiyaynayo. Marka maxaa loo hagranaya shacabkii mas’uulka laga ahaa hadii dhiigooda aan shirko lagula ahayn Alshabaab? Shaatiga iyo Shaabada ayaa u kala duwan shaqada la hayana waa isku mid” Xildhibaan Mahad Salaad