Madaxweyne Deni Ooo fariin adag udiray Dowlada Fadaraalka

Madaxweyne Deni oo caawa ka hadlayay madal ay kusoo bandhigayeen Gudiga doorashooyinka Puntland habraacooda,ayaa yiri sida tan..

“Iyadoo hal sano dhiman tahay, Ilaa hadda wax muuqda oo na soo gaaray majiraan, haddii doorasho qof iyo cod ah la hayo halla keeno, haddii aan ku laabaneyno hanaankeenii horena, hallaysu yimaaddo oo halla wada hadlo, wax kale oo laysku dhexwado anigu ma fahmin,”.

Madaxweynaha oo sii wata dhaleeceyntiisa Dowlada Fadaraalka ee ku aadan qorshaheeda doorasho ee 2021,ayaa yiri markale.

“Waxaan ku talinaynaa in dalka si miyir qabta danihiisa looga shaqeeyo” .

Waa fariintii ugu adkayd oo kasoo baxda madaxda ugu saraysa Puntland oo ay uga hadlayaan qorshaha doorasho ee 2021.

Dad badan oo reer Puntland ah,ayaa hadalka Madaxweyne Deni uriyaaqay una arka mid xaqiiqda ku qotoma.

Deni waxaa lagu amaanay sanadkii uu talada Puntland hayay sida uu ula xaajaystay Villa Somaliya madaxda fadhida xiligan.

Jibril Qoobey.