Axmed Madoobe Oo kusoo fool leh Garowe

Maalmaha soo socda waxaa kusoo aadan Garowe sida aan xogta ku helay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Booqashada Garowe ee Axmed Madoobe,ayaa salka ku haysa wada tashi ay labada maamul ka yeelan doonaan xaalka dalka,gaar ahaan dooarshada soo socota.

Kulankaas waxaa qayb ka noqon doona sida warku sheegayo Cumar Cabdiarshiid oo saakay soo gaaray Garowe.

Ugu danbayn qorshuhu waxuu yahay in uu soo baxo go’aan ama hanaan ku aadan doorashada 2020-2021 oo ay wada qaateen Puntland iyo Jubaland,kaasoo lala wadaagi doono Somalida iyo caalamka.

Jibril Qoobey.