Video:-Madaxweyne Deni oo booqday Taliska Daraawiishta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe (54-aad).

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo dhowaan tababarku usoo xidhmidoono, waxa uu u xaqiijiyey in Maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku.

“Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayaynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.”

“Si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka