Eretereya Oo safaarad cusub ka furanaysa Adis-ababa

Madaxwaynaha dalka Eritrea Isayaas Afawerqi,ayaa balan qaaday Xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalka Itoobiya.

Hadalkan,ayuu ka sheegay Asiyas xaflad loo qabtay dhagax-dhiga Dhismaha Safaarada Cusub ee dalka Eritrea ku yeelan doono Itoobiya.

Booqashada Maalintiisa labaad ee dalka Itoobiya uu ku joogo Madaxwayne isayaas oo uu ku weheliyo Raysulwasaare Abiy Ahmed Ali ayey si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismaha Safaarada Eritrea.

Goobta laga dhisayo, Safaarada Eritrea ayaa u Dhaw Hamle 19 Recreation Park agagaarka Sidhisti kilo.

“Dhismaha Safaarada cusub ee dalka Eritrea, wuxuu sii xoojindoonaa xiriirka ka Diblamaasiyadeed ee labada dal”ayuu yiri Raysalwasaaraha dalka Abiye Axmed.

Madaxwayne Isayaas ayaa intii uu joogay dalka, soo booqday Beeraha Warshadaha ee Adama, Bishoftu iyo Dukem.