Qatar Oo diyaarad usoo dirtay Muqdisho

Amiirka Qatar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani ayaa amarkiisa lagu soo diray, waxaana saaka diyaaradan ka soo duushay magaalada Doxa, waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta inay soo gaarto Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii labaad oo gargaar sida oo Muqdisho soo gaarta, waxaana dowladaha Qatar iyo Turkiga ay ka soo jawaabeen baaqii degdega ahaa ee ka yimid dowladda Federaalka.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in diyaarad ay soo dirtay Qatar oo sida gargaar caafimaad ay sidoo kale qaadi doonto dhaawacyada kale ee dalka wax looga qaban waayay.

Maalintii shalay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad milateri oo kuwa caafimaadka oo dowladda Turkiga soo dirtay ay Muqdisho ka qaaday dhaawacyada illaa 16 ruux, oo mid ka mid ah markii la geeyay Ankara geeriyooday.