Halkee ku danbeeyay Mashruucii balaarinta Dekeda Bosaso?

Mashruucii dhismaha Dekeda Bosaso ee ay maalgalinaysay shirkada DP World halkee ku danbeeyay?

Su”aashan oo aan ka mid noqon kuwii nasiibka uyeeshay in Madaxweyne Deni la waydiiyo kulankii PDRC,isla markaana isaguna uusan xusin ayay dad badan iswaydiinayaan!.

Sida qorshuhu ahaa laba sano gudaheed marka laga soo bilaabo subaxii la saxiixay waxay ahayd in lagu dhamaystiro mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso ee ay maalgashanaysay Shirkada DP World oo laga leeyahay isutaga Imaaraadka Carabta.

Xanta horay ujirtay,ayaa ahayd in mashruucan uu yahay oo kaliya af xirasho ay DP World kaga hor istaagayso maalgalin kale oo ay hesho Dekeda Bosaso.

Dekeda Bosaso waxay ka mid tahay kuwa Geeska ee ku yaala meelaha muhiimka ah.

Jibril Qoobey.