Dab xoog badan Oo weli ka holcaya Australia

Dalka Australia waxaa ku habsaday dabkii ugu ba’naa ee la arko muddo tobanaan sano ah, kaas oo dalkaas ka soconaya illaa bishii Sebtember oo uu dabku billowday.

Wadar ahaan 17 qof ayaa ku dhintey waddanka oo dhan, iyadoona in ka badan 900 oo guri ay ku burbureen gobolka New South Wales oo keliya.

Mas’uuliyiinta heer Gobolka iyo heer Federaal ayaa waxay la halgamayaan sidii loo xakameyn lahaa ololka ballaaran. Waxaana uga sii daraya kuleylka joogtada ah iyo abaarta, oo ay sababtay Is-bedelka Cimilada adduunka.