Wasiiro katirsan Puntland oo gaaray Degmada Qardho+VIDEO

Wafti ka socda Dowladda Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa gaaray Degmada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar.

Ujeedada safarka Masuuliyiintan ee Degmada Qardho ayaa la xariirta u kuur-galida Xaalada Ciidan Tababar uga socdo Xerada Xorgable ee Degmada Qardho, sida uu sheegay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisamad Gallan.