Madaxweyne Farmaajo oo dadaal ugu jira heshiis uu la gallo Madaxweynaha Jubbaland (XOG)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Casuumaad u diray Gudoomiyaha maamulka Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo kamid Baarlamaanka Kenya, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Labada Masuul ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, iyagoona ka wada-hadli doono arrimo ay ugu horeyso Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Masuuliyiintan ay heshiisiiyaan Isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay isku heyb yihiin Labada Masuul.

Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbanayo Guddoomiyaha Gaarisa iyo Xildhibaan Yuusuf in lagu taageero sidii dib loogu dooran lahaa, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii ugu dambeysay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu iska diiday wada-hadal iyo heshiis ay dooneysay Dowladda Federaalka inay la gasho, kaddib loolankii Doorashada Jubbaland iyo xayiraadii ay saartay, oo uu kaga guuleystay.