Booliska Kenya oo qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay Basaasnimo

Ciidanka Booliska Kenya ayaa ku xiray Xaafada islii ee Magaalada Nairobi mudaawin Soomaali–Canadian ah, kaas oo looga shakiyay basaasnimo.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Abudule, ayaa la qabtay isaga oo ‘ilaalin’ ku samaynaya Saldhigga Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Islii, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Booliska Kenya.

Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in ninkan Moobilkiisa laga helay sawirrada saldhiga Ciidanka cirka Kenya, waxaana ay tilmaameen in qabashadiisa ay ku timid tuhun ka galay Ciidanka.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska Kenya ayaa tibaaxay in ninkan uusan heysay aqoonsi, lagana helay Telefoonkiisa oo iphone ah sawirro iyo muuqaalo laga duubay goobo muhiim ah oo ku yaalla xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Ninkan ayaa hadda waxaa ku socda baaris, iyadoona lagu wareejiyay unugyada booliiska ee la-dagaallanka argagixisada (ATPU), kuwaas oo sameyn doona baaritaanno dheeri ah, sida lagu sheegay warbixinta Ciidanka Booliska Kenya.