Madaxweyne Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo kusoo wajahan Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, wararka ayaana sheegaya inuu safar dhulka ah uga soo bixi doono Gaalkacyo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Xaaf ka qeybgalayo Shir Wada-tashi ah oo uga furmaya Magaada Garoowe Madaxda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kaas oo looga arrinsanayo Xaalada guurka Dalka, Doorashada Dalka ee 2020-2021 iyo Xaalada Galmudug oo haatan ay hareeyeen khilaafyo xooggan kaddib markii Dowladda Federaalka ay af-gambiday Madaxweyne Xaaf ayna sheegtay inay ka dhisi doonto Dhuusa-mareeb Maamul Iyadu wadato.

Sidoo kale, Xubno katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa inoo Sheegay in Hoggaamiyaha ururka Ahlu-sunna Macalin Maxamuud uu kusoo wajahan yahay Magaalada Garoowe, isagoona qeyb ka ah Shirkan uu ku baaqay Madaxweyne Deni.