40 Ruux oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday aaska Gen. Qassem Soleimani

Afartan ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isbuurasho ka dhacday aas loo sameynayay Gen. Qassem Soleimani oo Jimcihii hore ku dhintey duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Geerida dadkan ayaa sababtay in dib loo dhigo aaska Gen. Qassem Soleimani oo ka dhici lahaa magaalada uu ku dhashay ee Kerman.

Dad lagu qiyaasay malaayiin ruux ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada uu ku dhashay iyo weliba magaalooyin kale.

lama oga waxa sababay is buurashada hase yeeshee madaxa gurmadka deg-degga ee dowlada Iran Pir-hossein ayaa sheegay in 40 ruux ay geeriyoodeen, halka 213 kalana ku dhaawacmeen sababo la xiriira tirada dadka oo aad u badneyd.

General Qassem Soleimani ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awooda badan dalka Iran isagoo ku xigey hogaamiyaha Cali Khamenei.

Maraykanka ayaa u arkay inuu yahay argagaxiso iyo inuu ku yahay khatar ciidamada Maraykanka.